​Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay safarkiisa dibadda

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali "Gaas", ayaa ka hadlay safar uu kusoo maray dalalka Ethiopia iyo Sacuudiga isagoo sheegay inay guul ugu soo dhammaadeen islamarkaana hishiisyo lasoo saxiixdeen.

Gaas ayaa ugu horeyn tilmaamay inay dalka Ethiopia u tageen dhammaystirka hishiisyo labada dhinac horay u wada galeen, wuxuuna sheegay in arrintaasi ku weheliyay wasiirka ganacsiga Cabdiwali Xirsi Cabdulle oo uu tilmaamay inuu Jigjiga u tagay dhammaystirka kastamka xuduuda laga hirgaliyay.

Safarkiisa Sucuudiga ayuu xusay in uu daarranaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo raadinta maal-gashadayaal caalami ah  islamarkaana uu maalqabeeno u dhashay dalkaasi la saxiixday heshiis ku qotoma dhismaha deked laga dhisi doono Garacad, waddo laami ah oo  isku xiri doonta Gal-dogob iyo Garacad, dhismaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo iyo mashaariic kale oo horumarineed oo laga hirgelin doono dhammaan gobollada Puntland.

Wuxuu xusay in arrintaasi ku weheliyay wasiirka dekedaha Puntland isagoo tilmaamay inay kusoo guulaysteen qorshayaal saacida in la hormariyo kaabayasha dhaqaalaha Puntland.

HALKAN KA DHAGEYSO WARSAXAFDEEDKA MADAXWEYNE GAAS

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM