​Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay shirka Muqdishu [Dhagayso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabaha looga hadlayo shirka madaxda Somalida uga socda magaalada Muqdishu Caasumadda Somalia.

Gaas oo waraysi siiyay Laanta Afka Somaliga ee VOA ayaa tilmaamay in shirkaasi diiradda lagu saaray waxyaabo khuseeya doorashada kuwaasoo isugu jira; dhismaha guddiyada farsamo, ka tashiga kharaashaadka iyo qaabkii doorashadu u dhici lahayd, wuxuuna intaasi raaciyay inuu dib u dhac ku imaanayo.

"Ani qiyaastayda hadda go'aan kama dambays ah oo kasoo baxay madasha ma jiro laakiin qiyaastayda waxaana isleeyahay Labo Bilood inaan kabadnayn waa lagu dhammaystiri karaa,"Ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale xusay in dhaqaalaha ku baxaya qabsoomidda doorashada ay saacidayso beesha caalamka, wuxuuse xusay in loo bahanyahay isku tashi ka yimaada maamullada dalka iyo dowladda Federalka Somalia.

Mar uu ka hadlayay dhammaystirka maamullada aan dhismin ee dalka Somalia, wuxuu sheegay inay hadda socdaan dadaallo farsamo isagoo rajo ka muujiyay in lagu hirgalin doono mudada harsan ee ilaa November. Laakiin wuxuu carrabka ku dhuftay haddii ay hirgali waayaan in loo maarayn doono qaabka Somaliland qorshaheeda loo hirgaliyay.

Hadalka madaxweyaha Puntland ayaa kusoo aadaya xilli aysan ilaa hadda shirka Muqdishu ka hadlin dowladda Federalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM