​Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay xaaladda Qandala [Dhagayso]

Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ayaa maanta ka hadlay xaaladda magaalada Qandala oo maalmihii ugu dambeeyay kasocday barakac xoog leh kadib markii ay gaareen mallayshiyaad sheegtay inay katirsanyihiin kooxda la magac baxday Daacish.

Gaas, ayaa sheegay inay kooxdaas awood u lahayn inay ku sii sugnaadaan degmada Qandala iyo guud ahaan deegaanada Puntland isagoo carrabka ku dhuftay inay muddo kooban haysan karaan meelaha ay joogaan.

"Daacish Qandala ma haysanayso, Puntland-na ma joogayso, awood ay ku joogto iyo mid ay ku haysato malahan, waana laga howlgalayaa Inshaa allaah, waqti kooban ayayna joogi karaan hadi ay u  bataan,"Sidaas waxaa yiri madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha, ayaa intaas ku daray in dadka waxyeelladu kasoo gaarto dowladdu isha ku hayn doonto islamarkaana gaarsiin doonto macaawinooyin kala duwan.

Cabdiwali Cali Gaas, ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay adkaystaan nabadgalyada ay haystaan islamarkaana u istaagaan sidii ay u difaaci lahaayeen, wuxuuna ku booriyay in loo soo jeesto dhinaca hormarka.

Wuxuu hadalkan jeediyay xilli maanta uu warbaahinta kula hadlayay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Degmada Qandala, ayaa maanta ilaa shalay, waxaa lagu garaacayay Qantaallo dhinaca badda lagasoo tuuray oo ilaa hadda la xaqiijin inay ka yimaadeen maraakiibta Shisheeye ee biyaha Somalia ku sugan iyo inay soo rideen ciidamada badda Puntland.

Dadkii ku dhaqnaa Qadala, ayaa gabi ahaanba u qaxay magaalada Bosaso iyo tuulooyinka hoos yimaada degmadaas oo 75km u jirta xarunta gobolka Bari, waxaana lasoo daristay xaalad adag oo dhinaca nolosha ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM