Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay isu-soobax ka dhacay Galkacyo

Image

23 December, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka qayb galay isu soobax lagu lagu weynayay maalinta ku beegan dhalashada Nabigeenna NNKH taasoo ka dhacay magalada Galkacyo.

Gaas ayaa goobta dabaal daggu ka socda ka qaaday qasiido Nabi ammaan ah ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay kasoo qayb gal xafladdan, wuxuuna soo dhaweyay xuska bisha mowliid ee uu dhashay Nabi Muxamed NNKH.

Madaxweynaha ayaa culimaa'udiinka iyo dadka goobta isugu yimi ku booriyay inay horay u sii wadaan dabaal dagga isagoo ku tilmaamay ficil wanaagsan kaaso dowladdu ka qaadan doonto doorka kaga aaddan.

Culimaa'udiinka Somaliyeed qaybtood iyo bulshada ayaa wada dabaal dag lagu weynaynayo xuska maalintii uu dhashay Suubanaheenna NNKH.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM