Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galey Qado sharaf loo sameeyey

Image

July 22, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa maanta magaalada Nairobi kaga qayb galey qado sharaf ay soo qabanqaabiyeen ganacsada reer Puntland.

Munaasabada qado sharaftaan oo lagu qabtey Hotel Sarena ayaa madaxweynaha Puntland uga warbixyey dadweynihii halkaas isugu yimid xaalada Puntland ku sugan tahay iyo mashaariicda hurumarineed ee ka socda dalka.

Mud.Cabdiweli Cali Gaas ayaa beeniyey hadalada sheegaya in ciidamada amniga Puntland iyo shaqaalaha rayidka ah aysan muddo bilo ah qaadan mushaharaadkooda isaga oo xusey iney bixyaan bil walba lacagahooda.

Madaxweynaha Puntland ayaa soo koobey munaasabada qado sharaftaan kadib markii la gaarey balan uu ka sugayey wasaarada arrimaha dibada Kenya.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa xafiiskeeda kula kulmey wasiirka arrimaha dibada Kenya Marwo Aamino Maxamed Jibriil.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland ayaa safaarada Mareykanka kula kulmey wakiilka dowlada Mareykanka u qaabilsan arrimaha Somalia.

Kulankaas ayaa diirada saarayey arrimaha Federaalka, amniga Puntland gaar ahaan koooxada Al-shabaab ee ku dhuumaaleysata buuraleyda Galgala.

Safarka madaxweyanaha oo la filayey in maalinta Sabtida dib ugu soo noqdo magaalada Garowe ayaa wararku sheegayaan in suurtagal tahay inuu dib ugu dhaco Isniinta soo socota madaama dowlada Kenya xanibtey duulimaadyada galaya ama kasoo baxaya magaalada Nairobi.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM