Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay dhimashada wasiir hore

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid marxuum Cabdi Maxamuud Maxamed (Cabdi-goobe) oo ku dhintay caasimada Garowe.

Cabdi-goobe oo fahfaahin buuxda aan laga hayn sababta dhabta ah ee keentay dhimashadiisa ayaa soo noqdey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaha Waxbarashada iyo Ganacsiga ee Dowladda Puntland.

War qoraalah oo kasoo baxay Puntland State House ayaa loogu rajeeyay marxuumka in uu EBBE siiyo naxariistiisa isla markaana ku abaalmariyo ama ka waraabiyo Janatul Firdowsa.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Maxamuud Maxamed (Cabdi-goobe) oo ku geeriyoodey Garoowe," ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa la raaciyey: "Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Marxuum Cabdi Goobe waxa uu soo noqday Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaha Waxbarashada iyo Ganacsiga ee Dowladda Puntland, wuxuu ka mid ahaa macalimiinta Soomaaliyeed ee kusoo tabcay aqoon-yahano badan oo maanta dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba u adeegaaya".

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu Alle "SWC" uga baryayaa Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatu Fardawsa, su'aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Marxuumka ayaa lagu wadaa in lagu aaso mid kamid ah qabuuraha caasimadda Garowe isla markaana duugiisa ay ka qeybgalaan mas'uuliyiin dowladeed, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM