Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Cali Baadiye

Image

GAROWE, Puntland - Taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta Puntland Sareeye Guuto Cabdirisaaq Shiikh Cismaan Axmed [Cali Baadiye] ayaa ku geeriyoodey magaaladda Qabribayax ee Dowladda Deegaanka Soomaalida.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlay afka dowladda iyo kiisa ayaa tacsi tiiraanyo leh wuxuu u diray eheladda, qoyska iyo asxaabta uu ka baxay marxuumka oo sababta keentay dhimashadiisa aan la caddeyn.

Madaxtooyadda Puntland ayaa sheegtay in Deni uu muragada la wadaagayo qoyska isla markaana uu Cali Baadiye u rajeeyay naxariista EBBE isla markaana uu u fududeeyo su'aasha Qarbiga.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladda Puntland-ba ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta Puntland Sareeye Guuto Cabdirisaaq Shiikh Cismaan Axmed (Cali Baadiye) oo ku geeriyoodey magaaladda Qabribayax ee Dowladda Deegaanka Soomaalida," ayay tiri.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Sareeye Guuto Cabdirisaaq Shiikh Cismaan Axmed (Cali Baadiye) wuxuu kasoo mid noqday Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, burburkii kadib waxaa uu ka qeybgalay Aasaaskii Ciidamada Puntland isagoo markii danbe noqday Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland".

"Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa tacsida la wadaagay ummadda Soomaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoysaskii uu ka baxay marxuumku. Madaxweyne Deni ayaa Alle "SWC" uga baryey Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhamman Ciidamada qalabka sida, eheladii, asxaabtii iyo qaraabadii uu ka baxay," ayaa lagu soo xiray.

Mas'uuliyiin kale, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadweynaha Puntland oo tacsi diray dhankooda ayaa bedel wanaagsan oo kheyr leh u rajeeyay qoyska uu ka geeriyooday AUN Cali Baadiye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM