Madaxweynaha Puntland oo Kismaayo u duuley

Image

March 2, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofey magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Booqashadan oo qaadan doonta muddo saddex maalmood ah ayaa timid kaddib markii Cabdiweli Gaas  casumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Jubaland Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan (Madoobe).

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ku jira wasiirro, xildhibaanno iyo madax dhaqameed.

Labada mas'uul ayaa bishii hore ee February magaalada Mudisho uga qayb galay shir afar-geesood ahaa kaasoo ay isugu yimaadeen madaxda dowlada dhexe iyo madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Shirkaas oo fikirkiisa dowladaha qaybta ka ah federaalku la yimaadeen, waxaa markii hore qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Kismaayo haseyeeshee mar dambe ayaa Muqdisho dib loogu soo wareejiyey.

Axmed Madoobe tan iyo markii Madaxweynaha loo doortey wuxuu Puntland booqasho ku yimid labo mar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM