Madaxweynaha PL oo ku wajahan Kismaayo, halkee marayaa khilaafkii?

Image

GAROWE, March 2, 2015 ( GO)- Wararka warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu maalinta berri ah ku wajahan yahay magaaalo madaxda maamulka Jubaland ee Kismaayo.

Safarka Madaxweynaha Puntland ayaa wararku sheegayaan inuu la xiriiro kadib markii uu casumaad ka helay Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmad Madoobe.

Booqashada Gaas ayaa ah midii ugu horreysay uu ku tago magaalada Kismaayo tan iyo markii loo doortey xilka waxayna wararku intaas ku darayaan inuu halkaas kula kulmi doono madaxda maamulka Jubaland.

Madaxweynaha Puntland ayaa safarkan waxaa ku wehelin doona sida wararku nagu soo gaarayaan wasiirro, xildhibaanno iyo qaar ka tirsan isimmada Puntland.

Dhinaca kale, waxaa weli taagan khilaafkii u dhexeeyey Madaxweynaha Puntland iyo qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada amniga, waxaana weli magaalada Garowe ka socda kulammo lagu xallinayo khilaafka.

Wararka ku xeeran khilaafkaan ayaa sheegaya in Madaxweynuhu guddi ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno u saarey xallinta murankaan halka dhinaca kale xubno matalaya saraakiishaasi qayb ka yihiin wada xaajoodka.

Khilaafkaan ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweyne Gaas xilka ka qaadey taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska iyo agaasimaha ciidamada sirdoonka "PIA" ee Puntland.

Magaalooyinka waaweyn ee Puntland gaar ahaan Bosaso iyo Galkacayo ayaa bilihii lasoo dhaafey waxaa ka dhacey weerarro dhowr ah kuwaasoo mas'uuliyaddooda ururka Al-shabaab uu sheegtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM