​Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Magaalada Bosaso

Image

BOSASO, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa la filayaa in maalinta Jimcaha oo taariikhdu ku aadan tahay 30 December, 2016 ka dago magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari halkaasoo muddooyinkii dambe xaaladeeda ammaan kasoo daraysay.

Ujeedka Madaxweyne Gaas halkaas u tagayo, ayaa wararka warsidaha GO helayo sheegayaan intay tahay sidii wax looga qaban lahaa dilalka iyo xasilooni darrada ka jirta Bosaso iyadoo inta uu joogo kulamo kala duwan la qaadan doona maamulka gobolka, kan degmada , saraakiisha ammaanka iyo bulshada halkaasi ku nool.

Madaxweyne Gaas, ayaa la filayaa inuu mudada uu xaruntaas joogo ka shaqeeyo sidii Magaalo madaxda gobolka Bari loogu soo celin lahaa xasilooni, maadama in muddo ah ka nasatay falalka ay fuliyaan kooxaha argagixisada.

Warsidaha Garowe Online, ayaa fahamsan in arrinta ugu weyne ee keentay amni xumada magaalada Bosaso tahay mushahar la'aanta soo wajahay dhowrkii sano ee u dambeeyay ciidamada dowladda iyo laamaha sirdoonka oo aan u howlgalin si joogto ah.

Waxaa taasi marag u ah inaysan wali jirin cid loo soo qabtay dilalkii u dambeeyay ee lagula kacay saraakiil katirsan dowladda maalin cad iyagoo waliba qaybtood ku sugnaayeen nawaaxiga taliska qaybta iyo maxkamadda gobolkaas.

Marka uu Bosaso soo gaaro Madaxweyne Gaas, ayaa la filayaa inuu ka waramayo shirarkii uu uga soo qayb galay magaalada Muqdishu iyo doorashooyinka kasocda waddanka.

Waxaa sidoo kale shacabka reer Puntland aad uga dhowrayaan waxa uu ka yiraahdo Tallaabadii uu ku-xigeenkiisa Camay, Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad, wasiir Cabdi Jamaal ay waraaqda cabashada ah ula gudbiyeen siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdishu.

Inkastoo Saadiq Garaad uu beeniyay saxiixiisa waraaqdaas, hadana Madaxweyne ku-xigeenkiisa Camay, ayaa hadalkiisa laga dhadhansanayay inuu wax ka gubdiyay cabashada, wuxuuna ku dooday inuusan saxiixin wax ka hor imaanaya dastuurka Puntland, balse uu ka shaqeeyay sidii maslaxadda Somalia looga talin lahaa.

Socdaalka Madaxweyne Gaas ee Bosaso, ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli waddanka ay ka jiraan abaaro iyo macaluul baahsan oo ay qabaan shacabka reer Puntland kuwaasoo haatan la daala dhacaya marxaladdan adag.

Maaha markii ugu horraysay Madaxweyne Gaas uu tago magaalo amnigeedu si xumaanayo, balse hadda ka hor wuxuu muddo ku sugnaa magaalada Galkacyo oo ay ka dhaceen qaraxyo dad badan lagu laayay, dilal loo gaystay xubno kamid ahaa hal doorka bulshada islamarkaana ay ka jirtay khilaaf siyaasadeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM