​Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Sucuudiga

Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta safar ku tagay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, kadib socdaal uu kagasoo amba baxay magaalo madaxda Garowe.

Gaas oo ay wehelinayaa xubno katirsan Madaxtooyada ayaa maanta la filayaa inuu u dhoofo waddanka Sucuudiga isagoo soo gudan doona Waajibaadka Xajka, sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Madaxtooyada.

Socdaalkan ayaa kusoo aaday xilli Shalay War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland lagu taageeray xulafada uu hogaaminayo Sucuudiga, kadib markii dowladda Federaalka Somalia aya qaadatey go’aan dhex-dhexaad ah.

Puntland ayaa qoraalkaas ku ammaantay dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka, waxayna uga mahadcelisay mashaariicda hormarineed iyo taageerada amani ee ay ka wado dalka.

Waxay sidoo kale dowladda Somalia ugu baaqday inay dib u eegto doorkii ay qaataday iyadoo Puntland ay ka digtay in arrintaas horseedo kala qoqobnaan iyo in si khaldan bulshadu wax u fahamto.

Dhinaca kale safarka Madaxweyne Gaas ayaa kusoo aaday xilli Xujaydu ka cabanayaan lacago dheeraad ah oo lagusoo rogay dadka gudanayaa Ruknigaas diinigi ah.

Xukuumadda kama hadlin cabashada iyo lacagaha dheeraadka ah ee dusha looga tuuray dadka Aadaya Xajka.

Madaxweyne Gaas ayaa safarkiisa Sucuudiga kusoo aaday xilli sannad iyo bar ay ka hartay muddo xileedka xukuumadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ardey Soomaaliyeed oo Lagu Xirey Turkiga loona Soo Tarxiiley Soomaaliya

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo la hadlay Garowe Online waxay sheegeen in aan wali si rasmi…

  • Puntland

    27-07-2025

  • 10:47AM

Mareykanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Buuraha Calmiskaad, Puntland

Taliye sare oo katirsan kooxda ayaa lagu qabtay, kaasoo la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka maaliyadda.

  • Puntland

    26-07-2025

  • 02:03PM