Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan wadanka Sucuudiga

Image

ADISABABA,Ethiopia- Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo iminka ku sugan wadanka Ethiopia magaalo madaxdiisa Addis Ababa ayaa wararka GO soo gaaraya sheegayaan inuu ku wajahan yahay dalka Sucuudiga.

Safarka madaxweynaha Puntland oo aan horey loo sii shaacin ayaa warrarku waxaa ay xusayaan inuu la xiriirka kulamo uu la qaadanayo qaar ka tirsan amiirada dalka Sucuudiga kuwasoo xubno ku dhow mundane Cabdiweli Maxamad Gaas kasoo shaqeeyeen.

Dalka Sucuudiga oo dagaal kula jira kooxaha xuutiyiinta ah ee dalka Yamen ayaa wayadii dambe dhisayey xulafo ka tirsan wadamada Islaamka kuwasoo badalkeeda la siinaya wadamadaas tageero dhaqaale iyo mid ciidan.

Dowalada Federalka madaxdeeda ayaa horey tageero dhaqaale uga heley wadanka Sucuudiga kadib markii xiriirka u jareen wadanka Iran oo gacansaar dhow la leh  dagaalyahanada xuutiyiinta kuwasoo ka dagaalama qaybo ka tirsan dalka Yamen.

Booqashada madaxweyne Gaas ayaa ku soo beegmeysa xilli wadanka Somalia ay ka bilaabtey olole siyaasyiinta Somalida ugu jirto tartanka doorashada madaxweynaha ee la filayo in dhacdo sanadkaan dabayaaqadiisa.

Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif oo kamid ah musharaxiinta u tartamaya xilkaan ayaa dhowaan booqasho ku tagey dalka Sucuudiga isagoo la sheegey inuu casuumaad ka heley madaxda bangiga Islaamka.

Deegaaanada Puntland ayaa dhinaca kale waxaa ka jira abaaro ba'an kadib markii dib u dhac ku yimid roobabkii Gu'ga kuwasoo keeney in biyo la'aan la kulmaan dadka xoolo dhaqatada ah.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM