Madaxweynaha Puntland oo la hadley Idaacada BBC Laanta Af-Somaliga

Image

Dec 29,2014 [GO]- Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay waxaa ka socday batnaamij loo magac darey la xisaabtanka Xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.

Madaxweynaha Puntland oo isagu waydiinayey su'aalaha Wasiiradiisa islamarkaana kulankaas shir gudoominayey ayaa waxaa uu wareysi arinkaas ku sabsan siiyey Laanta Af-Somaliga ee BBC.

Wareysigaan oo mid kooban ahaa ayuu Madaxweyne Gaas sharaxaad ka baxiyey macnaha uu leeyahay kulankaan isaga oo sheegey inuu yahay sababta bandhigaan loo qabtey in shacabka la ogeysiiyo waxaa Xukuumadiisu qabatey.

Dhinaca kale wariyaha BBC Maxamad Ibraahim Macalimu ayaa waydiiyey Madaxweynaha Puntland " Hadii Wasiir yimaado goobta islamarkaana warbixin qurux badan meesha ka jeediyo kana aftahansan yahay midka kale soo looma qaadan karo inuu ka waxqabad fiican yahay Wasiirka kale, taasu soo kama fiicneyn in Wasaaradii la tago lala xisaabtamo, si hoosana loo ogaado waxa ka jira gudaheeda" 

Madaxweynaha Puntland oo ka jawaabaya su'aashaan ayaa qirey in aan sida loo kala aftahan sanyahay loo kala waxqabad badneyn balse uu haysto saldhig ku saleysan waxa ay balan qaadeen bishii March 2014 Wsaiiradiisu taasna uu ka duulayo isaga oo xusey inuu dad tusayo waxa ay qabteen.

Ibraahim Macalamu ayaa dhinaca kale wadiiyey Madaxweynaha Puntland in isaga laftigiisu is qiimeeyey mar hadii sanad lasoo gudbey.

Wareysigaan oo dhameystiran ka dhageyso halkan

GAROWE ONLINE + BBC

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM