Madaxweynaha Puntland oo la kulmay madaxa hay'adda Care Somalia

Image

25 November, 2015(GO)-Madaxweynaha Dawladda Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay madaxa Hay’adda Care International ee Somalia  Raheel Nasir Chaudhary.

Kulankaas oo looga wada hadlayey  dar-dar gelinta Mashaariicda hay’adda Care kafuliso Puntland  iyo sii xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Puntland iyo Care,  korna loogu qaadi lahaa mashaariicda.

Madaxa Hay’adda Care Raheel Nasir ayaa sheegay inay Wasaaradda Deegaanka kala shaqeeyaan ciidamada ilaalinta deegnaanka, la-dagaallanka xaalufinta deegaanka, buuxinta boholaha, qaabaynta harooyinka, iyo Ilaalinta Dhirta iyo Duurjoogta.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hay’adda Care ka codsaday inay qor u qaadaan dar-dargalinta mashaariicda ku saabsan deegaanka iyo masiibooyink dabiiciga ah kuwaasi oo mararka qaybtooda saameey Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM