Madaxweynaha Puntland oo la kulmay madaxa hay'adda Care Somalia

Image

25 November, 2015(GO)-Madaxweynaha Dawladda Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay madaxa Hay’adda Care International ee Somalia  Raheel Nasir Chaudhary.

Kulankaas oo looga wada hadlayey  dar-dar gelinta Mashaariicda hay’adda Care kafuliso Puntland  iyo sii xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Puntland iyo Care,  korna loogu qaadi lahaa mashaariicda.

Madaxa Hay’adda Care Raheel Nasir ayaa sheegay inay Wasaaradda Deegaanka kala shaqeeyaan ciidamada ilaalinta deegnaanka, la-dagaallanka xaalufinta deegaanka, buuxinta boholaha, qaabaynta harooyinka, iyo Ilaalinta Dhirta iyo Duurjoogta.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hay’adda Care ka codsaday inay qor u qaadaan dar-dargalinta mashaariicda ku saabsan deegaanka iyo masiibooyink dabiiciga ah kuwaasi oo mararka qaybtooda saameey Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM