Madaxweynaha Puntland oo la kulmay safiirka Talyaaniga ee Somalia

Image

07 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ayaa dalka Kenya kula kulmay safiirka Somalia ee dalka Talyaaniga Fabrizio Marcelli.

Shirka oo ka dhacay Nairobi ayaa labada mas'uul uga wada hadleen arrimo la xiriira Puntland sida lagu sheegay warsaxafaadeed ka soo baxay Puntland.

Gaas ayaa ka codsaday safiirka in dowladda Talyaanigu ciidanka Puntland ka taageerto dhanka tababarada sid amniga loo xoojiyo, isla markaana kor loo qaado taageerada Puntland ka heli jirtay dalkaasi.

Safiirka Talyaaniga Fabrizio Marcelli ayaa xusay in mar walba Dawladda Talyaaniga ka go’antahay sii wadida mashaariicda horumarineed ee kawadaan Puntland.

Gaas ayaa mudadan ku sugnaa dalka Talyaaniga, waxaana uu sheegay xilli uu ka dhoofay magalada Galkacyo inuu ka qayb galayo shir kusaabsan kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM