Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wakiilka Midowga Yurub

Image

June 8, 2015 (GO)- Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey Safiirka Midowga Yurub  Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone d’Urso.

Markuu uu soo dhamaaday Kulan gaar ah oo ay wada qaateen Madaxweyne Gaas iyo Danjire Cervone ayey si wadajir ah ula hadleen warbaahinta, waxana ay sharaxaad dheer ka bixiyeen qodobadii ugu muhiim sanaa oo ay kawada hadleen.

”Waxyaabo badan ayaanu kawada hadalnay oo ay kamid tahay Xiriirka Puntland iyo EU, Mashaariicda Horumarineed ee ay midowga yurub Kawadaan Puntland iyo Shaqooyin badan oo EU la qabanyso Dawladda Puntland”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

Qodobadii laysla soo qaaday waxaa ugu muhiimsanaa in Midowga Yurub kordhiyo taageerada uu Puntland ka siiyo dhinacyada waxbarashada , kaabayaasha dhaqaalaha , maalgelinta wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garoowe, taageerada shirka wada tashiga Puntland ee dhawaan lagu wado in uu qabsoomo .

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM