Madaxweynaha Puntland oo la kulmey Tedros

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia- Madaxweynaha Puntland oo booqasho ku tagey dalka Ethiopia maalintii shaley Feb 16,2016  ayaa  kulamo la qaatey qaar ka tirsan madaxda dalkaas.

Wasiirka Arimaha dibada Dalka Ethiopia Tedros Adhanom Ghebreyesos oo bartiisa Facebook soo dhigey qoraal ayaa sheegey inuu la kulmey madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxmad Cali Gaas. 

Tedros ayaa qoraalkaan ku xusey in madaxweynaha Puntland uu kala haday qaabka doorashada Somalia ka dhaceysa August 2016 isagoo xusey in wadankiisa uu daneynayo In xasolooni uu helo wadankan dagaalka ku jirey mudada dheer.

Dowlada Puntland iyo shacabkeeda ayaa horey u diidey in nudaamka 4.5 lagu dhiso Barlamanka Somalia.

Kulamo magaalo madaxda Puntland ee Garowe ku dhexmarey madaxda beesha caalamka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka ayaa lagu muujiyey diidmada nidaamkaan doorasho ee 4.5.

Dhinaca kale waxaa socda dadaal beesha caalamka ku dooneyso kulan bishaan dabayqadiisa dhinacyada Somalida loogu qabanayo dalka Turkiga.

Dowlada Ethiopia ayaa la rumeysan yahay iney kamid tahay  wadamada raadinaya in dabada ka riixeysa in madaxda Somalida la isugu geeyo Dalka Turkiga halkasoo lagu saxiixi doono in doraashada Somalia lagu galo qaabka 4.5. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM