Madaxweynaha Puntland oo la kulmey Tedros

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia- Madaxweynaha Puntland oo booqasho ku tagey dalka Ethiopia maalintii shaley Feb 16,2016  ayaa  kulamo la qaatey qaar ka tirsan madaxda dalkaas.

Wasiirka Arimaha dibada Dalka Ethiopia Tedros Adhanom Ghebreyesos oo bartiisa Facebook soo dhigey qoraal ayaa sheegey inuu la kulmey madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxmad Cali Gaas. 

Tedros ayaa qoraalkaan ku xusey in madaxweynaha Puntland uu kala haday qaabka doorashada Somalia ka dhaceysa August 2016 isagoo xusey in wadankiisa uu daneynayo In xasolooni uu helo wadankan dagaalka ku jirey mudada dheer.

Dowlada Puntland iyo shacabkeeda ayaa horey u diidey in nudaamka 4.5 lagu dhiso Barlamanka Somalia.

Kulamo magaalo madaxda Puntland ee Garowe ku dhexmarey madaxda beesha caalamka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka ayaa lagu muujiyey diidmada nidaamkaan doorasho ee 4.5.

Dhinaca kale waxaa socda dadaal beesha caalamka ku dooneyso kulan bishaan dabayqadiisa dhinacyada Somalida loogu qabanayo dalka Turkiga.

Dowlada Ethiopia ayaa la rumeysan yahay iney kamid tahay  wadamada raadinaya in dabada ka riixeysa in madaxda Somalida la isugu geeyo Dalka Turkiga halkasoo lagu saxiixi doono in doraashada Somalia lagu galo qaabka 4.5. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM