Madaxweynaha PL oo la kulmey xildhibaanada mooshinka wadey

Image

GAROWE 17 May,2015 (GO)- Kulan ku dhexmarey marey xarunta madaxtooyada Garowe caawa madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas iyo xildhibanaada dalbanyey in Barlamanka kalfadhi deg deg ah isugu yimaado ayaa wararka ku dhow sheegayaan inuu kusoo dhamaadey is-afgarad.

Madaxweynaha Puntland ayaa aqbaley wax ka qabashada dhammaan qodobadii xildhibanaddu ku dalbanayeen in loo baahan yahay kalfadhi degdeg ah oo Barlamanka Puntland isugu yimaado.

Wararka ayaa sheegaya in wadahadalka oo muddo badan socdey xildhibaanadu kusoo bandhigeen dhibaatooyinka dhaqaale, amni, siyaasad iyo habacsanaan ay sheegeen inay haysato xukuumada Madaxweyne Cabdiwlei Cali Gaas islamarkaana waxey ku goodiyeen in hadaan wax laga qaban arrimhaan ay sii wadi doonaan mooshinka ka dhanka ah xukuumadiisa.

Madaxweyne Gaas ayaa aqbaley in isbadal degdeg ah uu ku sameeyo golihiisa wasiirada maalmaha soo socda.

Dhinaca kale mudanyaasha ayaa ka dalbadey madaxweyne Cabdiwlei Cali Gaas in xukuumaddiisu joojiso faragelinta ay ku hayso Barlamanka Puntland madaama uu yahay aqalka wakiiladu hay'adii soo dooratey golaha fulinta Puntland.

Ugu dambeyntii kulankaas ayaa kusoo dhamaadey in xildhibaanadu soo qoraan qoraal ay ku muujinayaan qodobada ay ka dalbanayaan in madaxweynuhu talaabooyin degdeg ah ka qaado maalmaha soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM