Madaxweynaha Puntland oo la shiray haweenka gobolka Mudug

Image

Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 10-July-2016  Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo kulan looga hadlayo xaaladaha amniga iyo horumarka magaalada Gaalkacyo kala hadlay ururka  Haweenka gobolka Mudug.

Kulanka ayaa waxa iyana qayb ka ahayd marwada koowaad ee Puntland Hodon Saciid Ciise, Marwo Caasha Geelle Diiriye, xubno ka mid ah haweenka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda haweenka iyo shakhsiyaad meteleyey haween gobolka mudug.

Madaxweynaha iyo haweenka ayaa shirkooda uga hadlay qaabkii xal looga gaari laha arrimaha taagan, waxayna sheegeen inay door weyn ku yeelan doonaan adkaynta amniga iyo la shaqaynta laamaha ammaanka magaalada Galkacyo oo muddooyinkii dambe ka dhacayeen dilal qorshaysan.

Sidoo kale haweenku waxa ay ka codsadeen Madaxweynaha in laga qayb geliyo golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ee la soo dhisi diino maalmaha soo socda si ay qayb ugu yeeshaan talada dalka, waxaanay ballan qaadeen in ay la shaqayn doonaan maamulka cusub ee Gaas usoo magcaabay magaalada iyo gobolkaba.

Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in haweenka gobolka Mudug ay yihiin dadka ugu firfircoon ee ka shaqeeya horumarka magaalada sidoo kalena la shaqeeya laamaha amniga si loo sugo nabad-gelyada gobolka.

Madaxweynuhu waxuu kaloo tilmaamay in ay xaq u leeyihiin inay qayb ka noqdaan xubinnimada golaha deegaanka degmada Gaalkacyo iyo xilalka sare ee dalkaba isla markaana ay dawladdiisu tahay mid marwalba door muhim ah siinaysa xuquuqda haweenka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambayn u sheegay haweenka in ay dawladdu il gaar ah ku hayn doono amniga gobolka mudug, isla markaana looga baahan yahay in ay haweenku sii laba jibbaaraan doorkooda la xiriira amniga iyagoo ka bilaabaya in ay hubiyaan cidda ay ka kiraynayaan guryohooda iyo  cidda ay ka shakiyaan ee kusoo biirta xaafadohooda.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa hore kulamo noocan oo kale ah ula soo qaatay laamaha ammaanka gobolka, wax-garadka, ururada bulshada rayidka ah, aqoon yahanka iyo dhallin yarada Mudug, waxaana diiradda lagu saarayey sidii dawladda iyo bulshada gobolkaasi ay isaga kaashan lahaayeen sugidda nabad-gelyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM