Madaxweynaha Puntland oo lagu casumey Hotel Sarena Nairobi

Image

July 22,2015 (GO)- Wararka laga helayo booqashada madaxweynaha Puntland ku joogo magaalada Nairobi  ayaa sheegaya in maanta casumaad qado ah loogu sameyndoono hotel Sarena.

Casumaadaan qado ayaa waxaa sameynaya sida wraarka aan ku heleyno dadka reer Puntland ee isugu jira ganacsato, aqoonyahano iyo qaybo kale oo ka tirsan bulshada ku nool magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Puntland oo dagan hotel Panari ayaan weli wax kulamo ah la qaadan madaxda dalka Kenya gaar ahaan madaxweynaha dalkaas.

Wadanka Kenya ayaa ku jira qaban qaabada soo dhoweynta madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ku imaanayo magaalada Nairobi.

GAROWEONLINE ayaa idiin soo gudbin doona kaulnkaas iyo waxyaalaha looga hadlo.

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM