Madaxweynaha Puntland oo loo kordhiyay mudada uu ku magacaabayo Wasiiradda

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo maanta hortegay Gollaha Wakiilada ayaa ka dalbaday inuu 14 cisho ugu kordhiyaan mudada magacaabista xukuumada cusub ee laga sugayo.

Fadhiga oo ay soo xaadirtay 66-da mudane ayaa waxaa shir gudoonka uu ahaa Afhayeenka Aqalka Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo Daareed], xili ay ku wehliyeen labadiisa ku xigeen.

Mr Deni oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa balanqaaday in xukuumada uu soo dhisi doono ay noqon doonto mid tayo leh, islamarkaana ka shaqayn doonta danaha reer Puntland iyo tan Soomaaliyeed.

Intaas kadib, sharcidejiyaasha oo cod uqaaday codsiga Madaxwaynaha ayaa natiijada kasoo baxday waxay noqotay inay taageertay 45 Xildhibaan, iyadda oo uu ka codeeyay hal mudane, waxaana ka aamustay 4 kale.

Sidaasi owgeed, gudoonka Gollaha ayaa wuxuu ku dhawaaqay in dalabka Madaxwaynaha uu yahay mid ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen Xildhibaanada Wakiilada shacabka.

Dastuurka Puntland ayaa wuxuu qabaa in iyadda oo laga soo bilaabayo maalinta doorashada uu Madaxwaynuhu haysto 21-cisho si uu usoo dhiso xukuumad cusub, balse, waxaa muuqata inay ku filnaan wayday.

Sikastaba ha ahaatee, XIldhibaano ka tirsan Gollaha Wakiilada oo dhowr jeer ka hadlay magacaabista Gollaha Wasiirada cusub ayaa ku cel-celiyay inay ku rajo wayn yihiin inay noqoto mid tirro yar, islamarkaana tayo badan leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni: Puntland ma aqbalayso Mashaariic siyaasadaysan

Maamulka Deni ayaa si adag uga soo horjeeda waxa uu ku tilmaamay faragelin siyaasadeed oo ka imaanaysa Villa Soomaaliya.

  • Puntland

    14-06-2025

  • 04:47PM

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM