​Madaxweynaha Puntland oo magacaabay 9 Wasiir [Akhriso]

Image

GAROWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday maanta xafiiska Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa lagu magacaabay Wasirro cusub oo qaybtood badaleen kuwo katirsanaa xukuumadda.

Xubnaha la magacaabay ayaa ah shakhsiyaad ku cusub siyaasadda walow qaar kamid ah xilal kasoo qabteen dowladda Somalia.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah isku shaandhayn hoose oo Madaxweynuhu waday muddooyinkii dambe.

Wasiirrada Gaas magacaabay ayaa qaybtood waxay buuxiyeen xilal muddo bannaanaa oo ay kamid tahay wasaaradda Warfaafinta Puntland.

Wuxuu sidoo kale Madaxweynuhu u magacaabay  Cabdikhadar Faarax Shaaciye wasaaradda  Dib Udhiska Iyo Horumarinta Puntland oo aan kamid ahay wasaaradihii horey u jiray.

Lama oga sababta uu xilkan Madaxweyne Gaas usoo kordhiyay xilli muddo sannad iyo bar ah uga harsantahay muddo xileedka xukuumadda hadda joogta.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA IYO XUBNAHA CUSUB EE LA MAGACAABAY;

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM