​Madaxweynaha Puntland oo Muqdishu u dhoofay

Image

BOSASO- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta ka dhoofay magalada Bosaso xarunta gobolka Bari iyagoo kusii jeeda caasumadda Somalia oo lagu qabanayo shir looga hadlay arrimaha Somalia iyo geedi socodka doorashooyinka 2016, kaasi oo socon doona labo maalin.

Gaas, ayaa kahor safarkiisa la hadlay warbaahinta, wuxuuna sheegay inuu ka qayb galayo kulankaasi oo ay imaan doonaan xubno kasocda golaha amniga ee Qaramada Midoobay, isagoo  tilmaamay inuu yahay shir muhiim u ah dalka Somalia iyo shacabweynaha ku dhaqan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay inay dhawaaan uu qabsoomi doono kulan looga hadlayo dastuurka Somalia, kaasi oo lagu qaban doono magalada Garowe, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay qaabkii la isaga kaashan lahaa hormarka iyo midnimada shacabka Somaliyeed, isagoo carrabka ku dhuftay inay diiradda saari doonaan qodobada khilaafku ka taagnaa.

Safarka madaxweyne Gaas, ayaa imaanaya xilli caasumadda dalka Somalia uu kasocdo shirar looga hadlayo hanaanka geedi socodka doorashada 2016, kaasi oo lasoo jeediyay in waxkabadal lagu samayn doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM