Madaxweynaha Puntland oo Nairobi Safiiro kula kulmay

Image
Image
Image

08 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa magalada Nairobi shir kula yeeshay safiiro uu ka mid yahay kan Midowga Yurub ee Somalia Michele Cervone d’Urso.

Gaas iyo safiirada ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira xoojinta xiriirka Puntland iyo beesha caalamka, waxaana madaxweynuhu ka mahadceliyay taageerada Midowga Yurub ka gaysteen shirkii dhawaan ka dhacay magalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Safiirka Midowga Yurub ee Somalia Michele Cervone d’Urso ayaa xusay in fulin doonaa mashaariic cusub sida lagu tilmaamay qoraal ka soo baxay Puntland.

Dhinaca kale, Gaas ayaa la kulmay Safiirka Somalia u fadhiya Dawladda Sweden Ambassador Mikael Lindvall, waxayna ka wada hadleen arrimo hormarinta mashaariicda Puntland ku saabsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM