Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Garoowe, Ogosto 26, 2025 – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Amb. James Swan, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulankan oo ay sidoo kale ka qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, arrimaha siyaasadda, iyo ban’aadantinimada. Madaxda labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wadahadlay xoojinta iskaashiga Puntland iyo Qaramada Midoobey, iyadoo la adkeynayo doorka hay’adaha caalamiga ah ee taageerada horumarineed iyo midda amni.

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

Qaramada Midoobey ayaa si rasmi ah u bogaadisay Dowladda Puntland dadaalka ay ku bixineyso ciribtirka kooxaha argagixisada, taasoo muujineysa sida ay uga go’an tahay sugidda amniga iyo xasiloonida gobolka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland ayaa u mahadceliyay Qaramada Midoobey taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga iyo wada shaqeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM