Madaxweynaha Puntland oo safar ugu ambabaxaya magaalada Galkacayo

Image

GAROWE, Puntland-  Wararka soo gaaraya xafiiska warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland maalinta berri ah 29 June, 2016 safar deg deg ugu ambabixi doono magaalada madaxda gobolka Mudug ee Galkacayo.

Safarka Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmaya xilli hay'adaha dowliga ee gobolka ka howlgala ay ragaadiyeen wadashaqeyn la'aan iyo musuqmaasuq taasoo sababtey in magaladaas si joogta ah loogu dilo dadka haldoorka ah. 

Booqashada Madaxweynaha Puntland ee gobolka ayaa sidoo kale la filayaa inuu kala diro golaha degaanka Degmada Galkacayo kaasoo howlgab noqdey halka madaxda gobolka, taliska qaybta iyo Birmadka kuligood lagu eedynayo howl gudasho la'aan. Halkan ka akhriso maqaal GO ka qorey qorshahiisa golaha degaanka

Dhinaca kale Mudane Gaas ayaa tan iyo intii qaraxa lagu diley AHN xisaabiyihii wasaarada Maaliyada gobolka Mudug aan magacaabi sarkaal kale sababo aan la shaacin.

Madaxweynaha Puntland ayaa booqashadii ugu dambeysay ee ku tagey magaalada Galkacayo aheyd kadib markii dagaal khasaaro dhimasho iyo bur-bur dhaqaale keeney maamulkiisu la galey Galmudug.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM