Madaxweynaha Gaas oo taageeray musharxnimada Axmad Cali Xaashi

Image

7 November, 2015 (GO)- Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo ololaha doorashada loogu jiro afhayeenka Barlamanka Puntland ayaa sheegaya in madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas muujiyey tageerada uu u hayo in xilkaas ku guuleysto xildhibaan Axmad Cali Xaashi.

Madaxweynaha Puntland oo kulamo joogta ah la qaadanaya xildhibanaada Barlamanka Puntland ayaa ka codsanaya iney codkooda siiyaan musharax Maxamad Cali Xaashi maadaama kaasoo la jaan qaadi kara siyaasada xukuumada uu hogaamiyo.

Xogtaan aya intaas ku dareysa in madaxweynaha Puntland balanqaadyo lacageed iyo kuwo siyasdeed u sameynayo xildhibanada
 Barlamanka Puntland.

Axmad Cali Xaashi oo gudoomiye kasoo noqdey aqalka wakiilada Puntland dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Cadde Muse ayaa dadka siyaasadiisa naqdiya ku eedeynayaan inuu ku kacey arrimo musuqmaasuq.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas iyo ku-xigeenka Puntland ku kala aragti duwan yihiin tagaeerada Axamad Cali Xaashi.

Kulan dhexmarey Labada mas'uul ee dalka ugu sareysa 24saac ee lasoo dhaafey ayaa wararka kasoo baxaya sheegayaan in madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Cabdiwlei Maxamad Cali Gaas kula taliyey inuu faragalin ku sameyn tartanka loogu jiro doorashada afhayeenka Barlamanka.

Wadahadalka madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxa ugu dambeyn kasoo baxey in qado loo sameeyo sadexda mushaarax ee u taagan xilka gudoomiyaha Barlamanka maalinamada Axada balse dadka u dhuundaloola arintaan ayaa aaminsan in talaabadaan tahay mid lagu qaldayo aragtida shacabka ee ku aadan in Mudane Gaas uu dabada ka riixayo Axmad Cali Xaashi sidii xilkaan u qaban lahaa.

Doorashada gudoomiyaha Barlamanka Puntland ayaa musharaxiinta u tartameysa waxaa wararku xusataan iney ugu cad cad yihiin xildhibaanada Cabdixakiim Dhoobo Dareed, Axmad Cali Xaashi iyo Siciid Qodax oo kuligood kasoo jeeda gobolada Sanaag iyo Hayland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM