Madaxweynaha Puntland oo tagay magalada Garowe [Dhagayso]
25 December, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland ayaa maanta soo gaaray magalada Garowe Caasumadda Puntland kadib safar uga soo kacay xarunta gobolka Mudug.
Mas'uuliyiin katirsan golayaasha dowladda, maamulka degmada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa ku soo dhaweysay duleedka koofureen degmada Garowe.
Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhaweyn kadib kahadlay safarkiisa Galkacyo iyo mid uu dhawaan kaga soo laabtay Muqdishu, wuxuuna sheegay dhammaantooda inay guul ku soo dhammaadeen.
Gaas oo warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada Puntland ayaa ka warbaxshay qorshaha Puntland ee nidaamka wax ku qaybsiga beelaha, dhismaha guddiga doorashooyinka, dagaalka Daacish iyo Al-Shabaab ku dhexmaray gobolka Bari.
Madaxweynaha ayaa sheegay inay meel wanaagsan marayso xaaladda magalada Galkacyo iyo nabadayntii dhexmartay labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, wuxuuna xusay inay wadaan hormarinta degmadaasi.
Shirkii madasha wadatashiga doorashada 2016 ayuu ka hadlay wuxuuna tilmaamay in muhiimaddu tahay ka gudbidda nidaamka 4.5, isagoo xusay in shacabka Somaliyeed ka daaleen habkaasi maadama lagu soo caano maalayay muddo kabadan 16 sano.
Puntland ayuu sheegay inay ka go'antahay midnimadda umadda Somaliyeed, hatanna diyaar u tahay qaabkii kor loogu qaadi lahaa hormar laga sameeyo doorashada dalka sannadka dambe.
Dagaalka dhexmaray mallayshiyaadka Daacish iyo Shabaab ayaa wax laga weydiiyay, wuxuuna tilmaamay inay ka warhayaan islamarkaana si dhaw ula socon doonaan dhaq-dhaqaayada kooxaha kusugan Bariga Puntland.
Nidaamka dimuqraadiyaynta ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay in xukuumaddiisu weli waqti haysto loogu gudbi karo habkaas isagoo tilmaamay inay sameeyn doonaan guddiga doorashooyinka dowladda hoose sannadka 2016 bisha Augusto.
Safarka ayaa ku soo beegmay xilli barri la qorshaynayo in uu Gaas dhagax dhigo dhismaha garoonka diyaaradaha caasumadda Puntland ee Garowe, waxaana kasoo qayb gali doona Madaxweynihii hore Puntland Candiraxmaan Farole oo mashruucan xilligii uu hogaanka hayay ka helay waddanka Kwait.
GAROWEONLINE