Madaxweynaha Puntland oo u duuley Talyaaniga

Image
Image

May 2, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofey garoonka diyaaradaha ee Garowe iyagoo ku wajahan xarunta dalka Talyaaniga ee Roma.

Gaas oo si kooban warbaahinta ula hadlay waxyar kahor intii uusan duulin, wuxuu sheegay in dowladda Talyaaniga uu kala soo hadli doono sidii ay mashaariic horumarineed uga fulin lahaayeen Puntland islamarkaana uu warbixin kasiin doono halka ay marayaan mashaariicda xilligan Talyaanigu ka wado Puntland.

"waxaan rajeyn in mashaariicdaasi waxbadan ka bedali doonaan wejiga Puntland una soo kordhin doonaan horumar... guul iyo kheyr ayaan ka rajeyn in uu noogu soo dhammaado safarkaasi" ayuu yiri.

Safarka madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii uu kasoo noqdey wadanka Ethiopia halkaasoo booqasho qaadatey muddo Toban cisho ah uu ugu maqnaa.

Talyaaniga ayaa mashaariic ka hirgaliyey Puntland kuwasoo isugu jira tageerada booliska, dhismaha garoonka diyaardaha Bosaso, TV-ga Puntland iyo mashaariic kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM