Madaxweynaha Puntland oo u safray Kismayo

Image

11 September, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magalada Kismayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Safarka Gaas ayaa salka ku haya ka qayb galka caleemo saarka madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, Xildhibaano, Isimo iyo waxgarad ayaa ku wehelinayay safarkiisa, waxaana garoonka diyaradaha Galkacyo ku sii sagootiyay Gudoomiyaha Barlamanka Puntland iyo masuuliyiin kale.

Magalada Kismayo waxaa ku wajahan masuuliyiin kala duwan oo ka socda maamullada dalka, DFS iyo xubno ka socda beesha Caalamka kuwaasi oo ka qayb gali doona caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM