Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaadey agaasimaha maamulka

Image

GAROWE 3 June,2015 (GO)- Wareegto maanta kasoo baxdey xafiiska madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa xilka looga qaadey agaasimaha maamulka madaxtooyada Cabdi Mahdi Abshir.

Cabdinaasir Maxamuud Gurey ayaa lagu badaley agaasimahii hore ee madaxtooyada Puntland  oo kamid ah qurbo joogta ku nool wadanka ingriiska.

Agaasimaha cusub ayaa la dhashey AHN Cabdishakuur Maxamud Gurey oo horey uga shaqeyn jirey xafiiska madaxweynaha Puntland waqtigii u ahaa Ra'isal wasaaraha Somalia.

Cabdi Mahdi Abshir oo xafiiskaan u magacaabey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole ayaa in muddo ah xafiiskiisa waxaa ka jirey hadal hayn farabadan in xilkaan laga qaadayo.

Xilka ka qaadista sarkalkaan ayaa ku soo beegantey maalin kadib markii madaxweynaha Puntland dib ugu soo noqdey magaalo madaxda Garowe.

GAROWEONLINE.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM