Madaxweynaha Somalia oo ka dagay garoonka Bosaso [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

07 January, 2016(GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galinkii dambe maanta kasoo dagay madaarka diyaaradaha  magalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland, ku-xigeenkiisa, xubno katirsan golayaasha dowladda, mas'uuliyiin heer federal iyo maamul ayaa kusoo dhaweyay garoonka isagoo salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka Puntland.

Xasan Sheekh ayaa waxaa wehelinayay xubno katirsan dowladda iyo taliyaha ciidanka Somalia, wuxuuna ka qayb gali doonaan furitaanka garoonka diyaaradaha Bosaso oo barri 08 January xarigga laga jari doono.

Soo dhaweyn kadib madaxweynaha oo la socday diyaarad ay leedahay shirka lagu magacaabo Fredom Air oo isago gooshta Bariga, Imaaraadka iyo gobollada Somalia ayaa ka mahadceliyay dhismaha Airport-ka Bosaso, wuxuuna sheegay inay degmadu ku socoto wadad hormarka isagoo rajeeyay inuu kusoo laabtan doono xilli wax walba u dhammaystiranyihiin.

Maanta kaliya waxaa degmada Bosaso soo gaaray afar diyaaradood oo waday mas'uuliyiin ka qayb galaya xafladda furitaanka.

Wufud tiro badan ayaa ku sugan Bosaso kuwaas oo dhawrkii maalin ee lasoo dhaafay kusii qulqulayay iyagoo doonayay inay ka qayb galaan furitaanka garoonka heerka caalami loo dhisay ee laga hirgaliyay xarunta gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM