Madaxweynaha waqtiga ka dhacayo Deni oo Ina Adeerkii wakiishay

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha muddo xileedkiisa Dastuuriga sii dhamaanayo ee Siciid Deni ayaa, Cabdulaahi Maxamed Barre [Caato] u magacaabay xubinta guddiga PEC oo sharci ahaansihiisa lagu muran-san yahay ku matalaya ururkiisa KAAH.

Caato oo ay Deni isku qoys hoose yihiin ayaa caan ku ah in uu baraha bulshada ka aflagaadeeyo cid walba oo dhaliisha Deni.

Falcelin layaab leh ayaa ka dhalatay sababta Deni oo inta badan bulshada u sheega in qabyaalada la iska daayo uu u magacaabay ina adeerkii.

Horey Deni ayaa Caato ula doonayay in uu ka dhigo gudoomiyaha dallada ururada bulshada rayidka ah ee PUNSAA balse taasi waa ay u suurto gelisay markii lagu tilmaamay " mid aan khibrad maamul lahayn".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM