Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo ku wajahan Muqdisho

Image

Dec 7, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, madaxweynaha maamulka Galmudug, Ra'isal wasaaraha Somalia iyo madaxda maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa maanta u amabaxaya magaalada Muqdishu.

Safarka madaxdaan ayaa wararka sheegayaan inuu la xiriiro kulan looga arinsanyo doorashada Somalia la filayo iney ka dhacdo 2016 kaasoo loo balansanaa bisha Dec 10,2015.

Kulanka Muqdishu ka dhacaya oo dowlada Federaalka garwadeen ka tahay iyadoo tageero ka heleysa beesha caalamka ayaa looga arinsanayaa natiijooyinkii kasoo baxey kulamadii lagu qabtey magaalo madaxadyada maamulada Somalia kuwasoo la sheegey in shacabka la waydiinayo qaabka doorashada uga dhaceyso dalka Somalia 2016.

Dowlada Puntland oo kulamo ku qabatey lix magaalo (Gaowe, Galkacayo, Tukaraq, Qardho, Bosaso iyo Baran) kuwasoo dowlada Federaalka sheegtey in tixgalineyso kulanka lagu qabtey magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa dadkii ka qayb galey go'aansadeen in nidaamka degmo ee lagu soo xulo xildhibaanada Barlamanka Federaalka Somalia.

Dhinaca kale warbixin hordhac ah oo kasoo baxdey kulamada kale ee lagu qabtey magalooyinka kale ee Somalia ayaa maamulka Jubaland [Kismayo] dadkii ka qayb galey go'aansadeen nidamka degmooyinka halka Galmudug, Koonfur Galbeed iyo magaalada Muqdishu cod dheer ku tageereen nidaamka 4.5 kasoo hadda ku dhisan tahay dowlada Federaalka Somalia.

Maamulka Galmudug ayaa warsaxafdeed uu horey uga soo saarey dagaalada Galkacayo 3 Dec, 2015 ku eedeeyey in maamulka Puntland ka dambeeyo dagaalka magaalada Galkacayo kadib markii uu ku guuldareystey inuu tageero u helo nidaamka degmooyinka in lagu soo xusho Barlamanka Somalia 2016.

Warsaxafdeedka Galmudug oo ku soo baxey afka Ingriiska ayaa u qoraa sidatan: 


The continued provocation by Puntland is part of larger scheme designed to undermine Galmudug state-building efforts towards decentralization, security sector reform, dislodging Shabaab and to continue the dialogue with ASWJ’s military wing in Dhuusamareeb. It further means destabilizing Somalia’s national plan to hold elections in 2016 – Puntland realizing its district-based proposal lost grounds opted to disrupt vision 2016 by waging war on Galmudug on the 22nd of November 2015, under the pretext of road construction. For the period mediators were in Galkacyo, Puntland was unfortunately preparing for a major offensive against Galmudug, that today at 11 o’clock our security forces were under intense fire unexpectedly. 

In conclusion, as tens of thousands fled from their with serious humanitarian conditions, we ask again for the Somalia Federal Government and the International Community to remind Puntland of its obligation to honor the agreement it signed. Galmudug is losing its patience in the face of continued provocation by a neighbor determined to destabilizing the region and the entire country. 


Maxaa Is badaley?

Kulankii ugu dambeeyey ee ka dhaca Muqdishu halka la yiraahdo Xalane 19-20 October 2015 kasoo madaxda dowlalada Federaalka, madaxda maamulada iyo beesha caalamka isugu yimadeen ayaa mushkilada ugu wayn ee hortaaley aheyd kadib markii madaxweynaha Puntlan diidey inuu aqoonsado maamulka Galmudug.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa la filayaa in kulankaan Muqdishu ka dhacaya Dec 10,2015 uga qayb gali doonaan si siman heshiiska Galkacayo kadib iyadoo mid walba gacanta ku sito jawaabtii shacabkiisa kasoo baxshey qaabka doorashada uga dhici karto wadanka Somalia marka la gaaro sanadka 2016.

Hadaba kulanka Muqdishu ayaa la filayaa in howsha kaliya ee hortaala tahay sidii loogu qancin lahaa madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo iminka siyaasada ahaan ka fogeyn dowlada Federaalka tageeraan nidaamka 4.5 kasoo maamulada kale go'aansadeen. 

GAROWEONLINE

 

 

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM