Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo la kulmay wasiirrada cusub

Image
Image

July 8, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta madaxtooyada Garoowe kula kulmay siddeed Wasiir oo kamid ah sagaalkii wasiir ee uu dhawaan madaxweynuhu magacaabay, kadib markii uu  isku shaandheyn ku sameeyey Golaha xukuumadda Puntland.

Wasiirada ayaa kala ahaa Wasiirka Cadaaladda, diinta iyo dhaqan celinta Puntland Saalax Xabiib Jaamac , Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab,  Wasiirk maaliyadda Cabdullaahi Shiikh Jaamac, Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Abshir Yuusuf Ciise ,

Wasiirka deegaanka, dalxiiska iyo duurjoogta Puntland Cali Cabdullaahi Warsame, Wasiirka caafimaadka Cabdinaasir Cismaan Ciise, Wasiirka xanaanada xoolaha Puntland Cabdi-jamaal Cismaan iyo sidookale Wasiirka beeraha iyo Waraabka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi.

Madaxweyne Gaas waxaa uu wasiiradaan cusub kula dardaarmay in ay li yimaadan howlkarnimo , derder geliyaana howlaha horyaala si aan marnaba dib u dhac ugu imaan howlaha qaranka.

Sidookale waxaa uu madaxweynuhu wasiirada kula dardaarmay ilaalinta hantida dawladda , ku dhaqanka sharuucda iyo qawaaniinta dalka udagsan , sidookalana xiriir dhow oo wada shaqeyneed wada yeeshaan xoojiyaana isku xirka guud ahaan Gobolada Puntland , sidookalana ka qeyb-qaataan derdergelinta barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda ee dalka ka socda.
 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM