Madaxweyne Dani oo la filayo inuu xilal kala duwan magacaabo

Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Puntland oo booqasho ku joogey maalmihii la soo dhaafey xarunta gobolka Mudug ee Galkacayo ayaa saacadaha soo socda waxaa uu magacaabayaa mas’uuliyiin kala duwan.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, xilalka mas'uuliyiin cusub loo magacaabo ayaa kala ah; Gudoomiye gobol, ku xigeenkiisa, Taliye qaybeed iyo saraakiil kale.

Xogta ayaa intaasi ku dareysa in gebi ahaanba la kala diri doono garsoorayasha maxkamdaha kala duwan, talaabo qayb ka ah dib u habeyn dhanka cadaaladda ah.

Magacaabistaan ayaa timid markii Madaxweyne Dani kulamo la qaatey qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaas cabasho ka muujiyey in hay’adihii gobolka oo fadhiid noqdeen.

Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay kamid tahay goobaha ay ka dhacaan dilalka qorsheysan iyo qaraxyo kuwaas oo lala beegsado dadka waxgaradka ah iyo saraakiisha amniga.

Kadib markii la doortay 8-dii Janaayo 2019, hogaamiyaha Puntland ayaa balanqaaday in uu xal u heli doono dhamaan arrimahaasi, kuwaasi oo qaarkood uu u muuqda mid durba ka howlgalay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM