Madaxweyne Deni oo hambalyo u diray Wasiirka Maaliyadda Itoobiya

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland-ba ayaa hambalyo u diray Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide oo ku guulaystay Wasiirka Maaliyadda Africa.

Majaladda Leadership Magazine ayaa shaacisay guuleystayaasha abaalmarinta Hogaaminta Ganacsiga Afrika 2020 oo sanadkiiba soo bandhigta mar, guulaystayaasha sanadkan, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shìde, isagoona ku guulaystay Wasiirka Maaliyadda Africa.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale Dowladda iyo shacabka Itoobiya ugu hambalyeeyey guushani ay gaareen, taasi oo muujinaysa horumarinta dhaqaalaha, hufnaanta iyo shaqo wanaagga ka jirta nidaamka Maaliyadeed ee dalkaasi, waxaana uu Madaxweynuhu sheegay inay muhiim tahay in lagu tartama horumarka Gobolka, wax la kala barto oo laysku dhiirigeliyo waxkasta oo wanaagsan.

Madaxtooyada Puntland

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM