Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida wasiir hore

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Cabdi Ismaaciil Boss.

Marxuumka oo xaalad caafimaad looga qaadey Garowe loona sii wadday caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa ku geeriyooday magaalada Burco, sidda ay muujinayaan warbixinadda.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa wanaag iyo bedel wanaagsan loogu rajeeyay qoyska uu ka dhintay marxuumka.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane a Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacaiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Cabdi Ismaaciil Boss," ayaa lagu yiri bayaankan.

War-saxaafadeedka oo lagu daabacay bogga Facebook ee Madaxtooyada Puntland ayaa la raaciyey: "AHUN Cabdi Ismaaciil Boss ayaa waxbadan kasoo shaqeeyay Dowladdnimada iyo horumarka Puntland, wuxuu soo noqday Wasiirkii Beeraha iyo Guddoomiyaha Bangiga Dowladda Puntland".

"Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Dhanka kale, mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Puntland iyo xubno kale ayaa siyaabo kala duwan tacsi tiiraanyo leh ugh diray xaaska, caruurta, qoyska iyo asxaabta marxuum Cabdi Boss.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM