Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida wasiir hore oo Puntland ah

Image

GAROWE, Puntland - Axmed Xuseen Xaaji Yusuf [Doonyaale] oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Puntland ayaa geeriyooday, sidda ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiiisa.

Sidda uu sheegay xafiiskiisa, Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyey geerida Doonyaale, kaas oo qorshuhu yahay in la aaso saacadaha soo aadan.

Hoos ka akhriso qoraalka madaxtooyadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Axmed Xuseen Xaaji Yusuf (Doonyaale) oo ku geeriyooday dalka Hindiya oo uu xaalad caafimaad ujoogey.

Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xuseen Xaaji Yusuf (Doonyaale) waxa uu ahaa haldoor Soomaaliyeed oo masuuliyado badan kasoo qabtay dalka.

Soomaaliya waxa uu kasoo noqday Guddoomiye gobol iyo mid Degmo, Puntland waxa uu kasoo qabtay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasiiru Dowle Madaxtooyo iyo La-taliye Madaxweyne ee arrimaha Amniga ah.

Sidoo kale waxa uu ku suntanaa ka shaqaynta xasiloonida, Amniga iyo horumarka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu uga tacsiyaynayaa geerida marxuumka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM