Madaxweyne Deni oo kormeer ku tagay Wasaaradda Deegaanka

Image
Madaxweynaha ayaa dhagaystay warbixin ka dhagaystay masuuliyiinta Wasaarada.

Garoowe, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Dowladda Puntland, halkaasi oo uu kusoo dhoweeyay Wasiirka Deegaanka Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.

Madaxweynaha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee xafiisyada Wasaaradda, isagoo u kuurgalay sida ay shaqadu u socoto, wuxuuna warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta Wasaaradda oo la wadaagay shaqada socota iyo tan qorsheysan, iyo doorka Wasaaradda ee ku aadan sidii Puntland ula jaanqaadi lahayd dadaalada adduunka ka socda ee lagula tacaalayo saameynta isbedelka Cimilada.

Wuxuu ku booriyay Madaxweynuhu mas’uuliyiinta Wasaaradda Deegaanka Shaqada ay hayaan, isagoo kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan, la dagaalanka nabaadguurka iyo xaalufka iyo muhiimad siinta Isbedelka Cimilada.

Kormeerka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM