Madaxweyne Deni oo safar shaqo ugu u ambabaxay dalka dibaddiisa.

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah waxa u bilaabatay socdaal dibadda ah oo uu ku kala bixin doono wadamo kala duwan.

Madaxtooyadda oo bayaan soo saartay ayaa shaacisay in safarka Deni oo ka bilaaban doono Itoobiya uu halkaasi kulamo kula yeelan doono mas'uuliyiinta waddankaasi.

WAR-SAXAAFADEEDKA

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka dibaddiisa, gaar agaan dalka Itoobiya oo uu ku hormarayo.

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Ashir ee magaalada Garoowe waxaa kusii sagootiyey Madaxweynaha iyo weftigiisa Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Saraakiil Ciidan, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Itoobiya waxa ay kula muhiim ah la qaadan doonaa masuuliyiinta dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM