Madaxweyne Deni oo si diiran lagu soo dhaweeyay magaaladda Qardho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Qardho, xarunta Gobolka Karkaar.

Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan deqmada Qardho iyo masuuliyiinta kale ee Gobolka ayaa Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ku qaabilay banaanka hore ee magaaladda, halkaasi oo ay isugu tageen boqolaal shacab ah.

Soo dhoweynta oo heerkeedu sareeyay ayaa waxaa ka qeybgalay Hogaanka Dhaqanka, Culimada, Aqoonyahanada, Haweenka, Ardeyda iyo Guud ahaan Barbaarta Gobolka Karkaar.

Deni oo la hadlay dadweynaha ayaa wuxuu uga mahadceliyay qaabka diiran oo ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafigiisa, wuxuuna ku ammaanay dal-jaceylka iyo dowladnimadda.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu ku baraarujiyey muwaadiniinta ka shaqeynta qorsheyaasha dhinaca horumarinta ee ay waddo xukuumadda uu hogaamiyo.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka kooban Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, la taliyeyaal uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire.

Taliyeyaal Ciidan oo uu hogaaminayo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Saraakiil Madaxtooyo ayaa sidoo kale waxay qayb ka yihiin wafdiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM