Madaxweyne dowlada Puntland oo ku wajahan dalka Kenya

Image

1 Oct, 2015 (GO)- Madaxweeynaha dowlada Puntland oo ku sugan magaalada Galkacayo ayaa wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya sheegayaan in maalinta Sabtida u ambabixi doono wadanka Kenya.

Safarka madaxweynaha Puntland ayaa warar badan laga heyn iyada oo wararka la xiriira sheegayaan inuu halkaas uga sii gudbi doono wadanka Imaaraadka Carabta maalmaha soo socda.

Mudane Gaas ayaa safarkiisu ku soo beegmaya iyadoo weli xal laga gaarin colaada u dhexeeysay beelaha wada dega degaanada Mudug, Nugaal iyo Sool kuwasoo dagaalo dhexmarey isaga diley dad gaaraya 20 qof.

Dhinaca kale kale madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa dib ugu soo noqdey magaalada Garowe kadib markii uu safar asbuuc ah ugu maqnaa xalinta colaad Qoriley degmada Buurtinle.

Colaada ka jirta dhulka howdka iyo Soolka ee u dhexeeysa beelahaas ayaa weli laga bilaabin waan waan rasmiya ee lagu xalinayo iyadoo dhaqdhaqaayo aad u tabar daran wadaan qaybo ka tirsan bulshada rayidka ah gaar ahaan qaar ka tirsan culimaa'udiinka  Puntland.

Magaalada Garowe iyo Galkacayo ayaa waxaa ka dhicin asbucii 8aad shirkii golaha wasiirada kaas oo la qaban jirey Khamiis walba.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM