Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Garoowe, ee xarunta Puntland.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo ay la socdaan Wasiirro, Xildhibaanno katirsan labada aqalka ee Baarlamaanka iyo Mas'uuliyiin kale ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Garoowe.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas", xubno katirsan labada Golle ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka, Saaraakiil ciidan, Siyaasiyiin iyo dadweyne aad u badan ayaa ku qaabilay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa Gegida Diyaaradaha.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa waxay ahayd mid heersare loo agaasimay oo ay kawada qeyb qaateen dowladda iyo Dadweynaha reer Puntland waxaana loo galbiyay wafdiga Farmaajo qasriga Madaxtooyadda magaalada Garoowe.

Madaxweyne Farmaajo oo Barxadda Garoowe shacabka kula hadlay ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo wadooyinka la dhigay ciidamada gaarka Puntland iyo Ilaalada Madaxweynaha oo shalay kasoo hormaray.

Madaxweyne Farmaajo booqashada uu ku yimid Garoowe ayaa waxay noqonaysaa midii ugu horeysay oo Puntland kusoo booqdo tan iyo markii talada dalka la wareegay bishii Febuary ee 2017-kii.

Ujeedka ugu weyn ee socdaalkiisa ayaa ah inuu xariga ka jaro maalinta berri ah Garoonka cusub ee magaalada Garoowe.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM