Madaxweyne Farole oo qado loogu sameeyey magaalada Hargeyso

Image

July 28,2015 (GO)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil "Saylici" ayaa maanta qado sharaf ku maamuusay madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Cabdiraxmaan Shiekh Maxamed "Faroole" oo mudooyinkii u danbeeyay hawlo dhaqan u joogay caasimada Hargaysa.

Faroole oo ka mahadcelinaya intii tacsida ugu timi maamlihii koobnaa ee ku sugnaa magaalo madaxda Somaliland ee Hargaysa ayaa yiri "Mudane Madaxwayne ku-xigeen imaantinkayga meeshan waad ka war haysaa, xiriir aan la soo sameeyay oo aan si gaar ah u khusaysa geeridii xumayd ee xaaskayga ku timi, tacsidaas cidii iigu timi ma tirin karo, aad iyo aad ayaan uga mahad celinayaa dhamaantood."

Sidoo kalle waxaa madashaas hadhimo/qado sharafeedka ah ka hadlay madaxwayne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil "Saylici" ayaa sheegay in munaasabadan ay u qabteen Dr Faroole ay tahay mid lagu soo dhawaynayo islamarkaana uu ka tacsiyeeyeey geerida ku timi xaaskiisii oo dhawaan lagu dilay magaalada Garoowe.

Cabdiraxmaan Shiekh Maxamud Faroole, Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa muddo ku siman 10 cisho socdaal ku joogay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, isagoo socdaalkiisaasi la xiriiray dhinaca qoyskiisa.

Halkan ka daawo qado sharafa loo sameeyey madaxweyne Farole

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM