Madaxweyne Gaas iyo Camay oo lakulmay bulshada rayidka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

28 December, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Cabdullahi Cumar Camey, ayaa maanta Garowe kula kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana Kulanka loogu yeeray is-xog waraysi ku aadan arrimaha Puntland iyo xaaladda Somalia.

Shirkan oo halmaalin soconaya ayaa saxaafaddu dibadda ka joogtaa, waxaana bulshadu wax ka weydiin doonta madaxda waxyaabaha uga qorshaysan doorashada sannadka dambe iyadoo madasha ku suganyihiin xubno matalaya Bulshada qaybaheeda kala duwan sida siyaasiyiinta, waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada.

Kulanka oo lagu qabtay xarunta cilmi baarista Puntland ee PDRC, waxaana madaxdu kawarbixin doonaan shirarkii Xamar iyo waxyaabaha lagu wajahayo kan horaanta Janaayo ka furmayo magalada Kismayo ee lagu go'aamin doono habraaca doorashada 2016 ka dhici doonta Somalia.

Is-xogwaraysiga ayaa la filayaa in lagu soo hadal qaado nidaamka 4.5, waxaana bulshada qaybaheeda kala duwan kasoo horjeedaan in Xildhibaanada imaan doona lagu soo xulo habka beelaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM