​Madaxweyne Gaas iyo mas'uuliyiin Masaari ah oo kulmay

Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA- Madaxweynaha Dawladda Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo u jooga magaalada Addis Ababa caasimadda dalka Ethiopia ayaa maanta 18-April-2016 waxuu kulan la qaatay Danjiraha Dawladda Masar u fadhiya dalkaasi iyo ganacsato.

Kulanka ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey Wasiirka Gacanacsiga iyo Wershadaha Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle oo kamid ahaa waftigii Madaxweynaha, waxaana ay kawada hadleen Madaxweynaha iyo Danjruhu sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ganacsi ee Masar iyo Puntland, isla markaana ay masar xilligan maalgashi ugu samaysan lahayd Puntland.

Safiirka ayaa soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo waftigiisa isla markaana waxa uu sheegay inay fursad muhim ah u tahay dawladda Masar in ay maal-gashiyo ku samaysato waddanka Soomaaliya gaar ahaa Puntland oo uu masar kala dhexeeyo xiriir ganacsi oo taariikhi ah isla markaana qarniyo soo jirey.

Sidoo kale safiirku waxaa uu sheegay in ay dhowaan safar shaqo ku tegi doonaan Puntland si’ay usoo arkaan fursadaha maal-gashi ee ka bannaan iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland sida dekedaha iyo garoomada diyaaraha oo ah waddooyinka fududaynaya xiriir ganacsi oo dhex mara Puntland iyo Masar.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay Puntland in ay ka jirto nabad iyo xasilooni gaamurtey, taasoo dhiirri gelineysa in shirkado caalami ah  ay maal-gashiyo ku samaysan karaan.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu warbixin kooban ka siiyey Danjiraha iyo ganacsatada Masaarida ahba horumarka xawliga ku soconaya ee Puntland gaar ahaan Garoomada diyaaradaha Puntland oo u diyaarsan qaabka garoomada caalamiga ah ee dunida hore u martay.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli shalay magalada Bahir Dar dalka Ethiopia lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlay arrimaha nabadgalyada qaaradda Afrika. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM