Madaxweyne Gaas iyo R.W. Cabdiweli oo Qardho lagu soo dhoweeyey

Image

October 13, 2014 (GO)- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas islamarkaana qayb ka yahay Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed oo saacado kahor ka tegey magaalada Garoowe ayaa gaarey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Wafdigaas oo sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Camey, wasiiro, xildhibaano iyo isimo ku jiraan waxaa casumaad rasmi ah u fidiyey boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Boqollaal dadweyne ah oo ruxayey calanka Somalia, midka Puntland iyo boorar ereyo soo dhoweyn ahi ku qoran yihiin ayaa wafdiga kaga hortegey meel dhowr kiilo mitir degmada Qardho koonfurta kaga beegan, kuwaasoo soo galbiyey ilaa wafdigu kasoo gaarey halkii loogu tala galay in la dejiyo.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh waxay socod ku mareen  qaybo kamid jidka laamiga ah ee degmada Qardho dhex mara, iyagoo gacan qaaday tobanaan kamid ah dadkii soo dhoweeyey.

Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in wafdigaasi dib ugu soo laabtaan Garowe si loosii ambaqaado wadahadalka u socda Puntland iyo Dowlada Federaalka. Marka si rasmi ah loo kala saxiixdo heshiiska hordhaca ah ee labada dhinac wada gaareen Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu booqan doonaa magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Waa booqashadii ugu horeysey ee Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed kusoo gaaro deegaanada Puntland laga soo bilaabo markii uu xilka qabtay bishii December ee sanadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM