Madaxweyne Gaas iyo R.W. Cabdiweli oo Qardho lagu soo dhoweeyey

Image

October 13, 2014 (GO)- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas islamarkaana qayb ka yahay Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed oo saacado kahor ka tegey magaalada Garoowe ayaa gaarey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Wafdigaas oo sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Camey, wasiiro, xildhibaano iyo isimo ku jiraan waxaa casumaad rasmi ah u fidiyey boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Boqollaal dadweyne ah oo ruxayey calanka Somalia, midka Puntland iyo boorar ereyo soo dhoweyn ahi ku qoran yihiin ayaa wafdiga kaga hortegey meel dhowr kiilo mitir degmada Qardho koonfurta kaga beegan, kuwaasoo soo galbiyey ilaa wafdigu kasoo gaarey halkii loogu tala galay in la dejiyo.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh waxay socod ku mareen  qaybo kamid jidka laamiga ah ee degmada Qardho dhex mara, iyagoo gacan qaaday tobanaan kamid ah dadkii soo dhoweeyey.

Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in wafdigaasi dib ugu soo laabtaan Garowe si loosii ambaqaado wadahadalka u socda Puntland iyo Dowlada Federaalka. Marka si rasmi ah loo kala saxiixdo heshiiska hordhaca ah ee labada dhinac wada gaareen Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu booqan doonaa magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Waa booqashadii ugu horeysey ee Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed kusoo gaaro deegaanada Puntland laga soo bilaabo markii uu xilka qabtay bishii December ee sanadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM