Madaxweyne Gaas iyo waxa uu ka sheegay shirka wadatashiga Muqdishu

Image

13 December, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa khudbad ku saabsan hanaanka doorashada ka jeediyay shirka ka socda magalada Muqdishu ee looga hadlayo hanaanka loo marayo 2016, ayaa soo hadal qaaday arrimo ka mid tahay; shirarkii Garowe, Galkacyo iyo aragti aruurintii laga sameeyay magaalooyin dhawr ah.

Gaas, oo khudbadiisa ku caddayn ka dowlad ahaan habka ugu haboon doorashada ayaa tilmaamay inay ka turjumayaan aragtida shacabka ay madaxda u yihiin iyo aftidii dhawaan laga sameeyay lix magaalo oo ku yaalla Puntland.

Madaxweyne ayaa soo hadal qaaday shirarkii ka dhacay magaalooyinka Garowe iyo Galkacyo, wuxuuna tilmaamay inaysan haboonayn ku tumashada dastuurka oo qoraya inaan dib loogu noqon karin habka wax ku qaybsiga beelaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay inay diyaar u yihiin ka shaqaynta iyo ka qayb qaadashada nidaam la soo dhiraan dhiriyay oo doorashada dalka ku haboon.

Waxa uu soo jeediyay inaan lagu mashquulin hiigsiga 2016, balse laga fekero mustaqbalka waddanka. Nidaamka Federaalismka ayuu sheegay in loo baahanyahay ka mira dhalintiisa.

Beesha Caalamka ayuu uga mahadceliyay qaabka wanaagsan ee Somalia u taageerto, isagoo ka codsaday inay makhraati ka noqdaan hishiiyada lagalayo.

Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Puntland oo shalay saxaafadda la hadlay ayaa ka digay in wafdiga Puntland ee Muqdishu ku sugan soo qaataan nidaamka 4.5 oo la sheegay in lagu qancinayo madaxweyne Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM