Madaxweyne Gaas "Labo arrimood ayaan Ethiopia u tagayaa"

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay safarkiisa dalka Ethiopia kadib xilli uu maanta ka dhoofay magalo madaxda Puntland ee Garowe. 

Gaas ayaa sheegay inuu dalkaasi u tagayo labo arrimood oo ay kamidyihiin; hirgalinta hishiisyadii lagu gaaray Garowe iyo Muqdishu, kulamo la xiriira amniga iyo dhaqaalaha laba dhinac. 

"Waxaa maanta u amba-baxayaa dalka Ethiopia gaar ahaan magalada Addis Ababa, waxaana u tagayaa labo arrimood, midda koowaad waxa weeye; howlo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga oo ballamo kala hayn, waxaana rajaynayaa inuu hormar u soo jiido Puntland korna u qaado xiriirka Ethiopia iyo Puntland,"Ayuu yiri madaxweyne Gaas isagoo ku sugnaa garoonka diyaaradaha Canoco. 

Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay inuu ka qayb galayo shirka Tana "Forum" oo looga hadlayo xaaladda gobolka islamarkaana kasoo qayb galayaan madaxda afrika, wuxuna tilmaamay inuu qaadan doono labo bari. Waxaana safarka ku wehelinaya wasiirka ganacsiga Puntland iyo xubno kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, xubno katirsan golayaasha dowladda iyo saraakiil kale ayaa madaxweynaha kusii sagootiyay garoonka.

Shirkan ayaa noqonaya markii labaad oo madaxweynaha Puntland lagu casumo, waxaana sannadkii hore uu kajeediyay khudbad uu dhaqaalaha uga hadlay. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM